TAARIIKHDA GARAAD WIILWAAL (THE HISTORY OF GARAD WIILWAAL)




Taarikhda Garaad wiiwaal 

Kumuu ahaa wiilwaal? 

W.Q :cabdinasir Cabdullahi yuusuf 

Garaad xirsi wiilwaal waxa uu dhashay sanadkii 1713dii waxa uuna ku dhashay magaalada caasimadda ah ee jigjiga, garaadka markii uu dhashay waxaa loogu magac-daray Awowgii garaad xirsi. 

Garaadka isaga oo yar dhabarka lagu sido, ayaa waxa ay hooyadii la aaday reer abtigii oo xoola dhaqato ahaa, halkaas ayuu in mudda ah ku maqnaa,  

Xirsi oo kurey ah reer baadiinimana kusoo bar-baaray ayaa reer aabihii dib ugu soo noqday, markii uu yimid dadka deegaanka deymo gaar ah ayaa loo yeeshay, maadaama uu ina garaad yahay, isagoo kureygaas ah ayuu durba billaabay hoggaamin iyo in dadka ammmarradiisu fuliyaan, intii meel iskugu timaaddaba isaga oo aan la magacaabin ayuu madax iskaga dhigi jiray. 

Odey kamid ah odaydii reer jigjiga ayaa waxa uu yari " War kani waa jinni boqor" naaneystaas ayaa in muddo ah loogu wici jiray, inkasto waadayadiidii dambe ayka hartay, oo loogu badalay naaneys kale oo ku dhagtay taariikhadana uu ku galay, waa naaneysta ilaa haddaba uu caanka ku yahay ee ah "wiiwaal" 

 

 

Wali isaga oo aan qaangaarin ayaa geesinimo dheeraad ah lagu arkay, maalintii uu 15 jirsaday ayuu col-wadeen noqday, guutooyinkii tolka ayuu amaan-duule u noqday. 

 Sida la wariyay waligiis cid ay is qabteeenna nabar kalama hormarin, feegjignaan siyaada ah iyo tuhun joogta ah oo dad oo dhan uu ka qabay ayuu caan ku noqday kuna tilmaan-naaday, had iyo jeer waramihiisa iyo qalbkiisa dagaalka gacantiisa meel aanay ka gaari karin kuma uu aamini jirin, duqii dhalay oo wali ifka saaran ayuu waxna dilay waxna darajeeyay, hadal uu yiri nin malagiis galay mooyee nin kale maya ma dhihi jirin. 

 

 

Gayigu waa gayi colaadeed, soomaalida kasokow, waxaa mar waliba laga dareen qabay gaala madow oo iyada iyo bartiruhu ay col xiirr-xiira ah ahaayen, wiilwaal oo waqtigaas dhalinyaro ahaa yaa waxa uu soo rogay xeerar cusub oo aan horay looga garaneynin deegaankaas, waxa uu gudoomiyay in la uruuriyo niman uu ugu magac daray "soo jeedayaal"kuwaas oo howshoodu tahay in degmada cirifkeeda habeenki oo dhan ilaaliyaan, sidookale garaadka waxa uu gudoomiyay in reerkii ay nimankaas tagaan la siiyo neef ishkin ah oo ay ku noolaadaan, howraarsan ayaa lawada yiri. 

 

Garaad ayaa isaguna kamid noqday ciidamadii soo jeedayaasha ahaa ee deegaanka ilaalinyay, in muddo ah markii uu ciidanku katirsanaa ayaa  uu abwaanku is yiri, bal samey wax ay raggaan ku gartaan inaad ka sarreyso, raggii ayuu kulmiyay, waxa uu go,aamiyay in neef waliba oo la gowraca uu isagu yeelanaya labada cad ee ugu fiican, howraarsan ayaa lawada yiri, maadaama uu ahaa nin aad looga cabsado dilakana uu kasoo horreeyo, wixii ay socotaba raggii ayaa qaadan waayay in arrintu sidaan kusii socoto, dib ayeey  u kulmeen waxa ayna isla garteen ineysan macquul aheyn in wiilwaal uu mar waliba kaligii qaato labada cad ee neefka ugu fiican, waxaa lagu heshiyay in mar dambe uusan qaadanin wiiwaal labadaas cad, balse waxey in muddo ah ku qaadatay ninkii usheegi lahaa heshiiskaas, wixii la fakaraba waxaa la isla gartay, in seddax nin ay qeybsadaan weerta ah" wiilwaal, labada cad isku heshid" oo midi uu dhaho "wiiwaal" kan labaadna uu dhaho "labada cad" kan seddexaadna uu dhaho " iskuma heshid"  

 

Fiidkii kolkii lasoo wada xarooday ayuu ninkii hore yiri "wiilwaal" deg degna wuu usii fariistay, markaas buu kii labaadna hal-haleel uyiri "labada cad" kii saddaxaad markii uu u hogbaday weedhii la isku ogaa inta kadhiman inuu ku daro, ayaa waxaa deymo kulul ku eegay wiiwaaloo warankiisii si wacan gacanta ugu qabsaday, deymadii qallafsaneed iyo xanaaqii ayaa ninkii cabsi ba’an kuriday, labada bowda ayaa jareeyay, garaaca wadnihiisa ayaa waxaa maqlay kuwii garabkiisa fadhiyay, ninkasta oo goobta joogay waxaa ka dhaadhacday, goorta uu ninkaas afka ciida gashan doona iney dhawaatay, Halkii laga filaayay in hadalkii ahaa labada cad uu ku dhammeystiro "iskuma heshid"ayuu argagixii badnaa ka yeersiyay wax uusan uurkiisa Rabin, afkase uu ka xaday, markaas buu yiri "lug laguugu dar" maalintaas kadib ninna iskuma soo taagin inuu War khaldan ku


yiraahdo garaadka.  

" oori xero kuma heshiso"ayuu aaminsanaa garaadka. 

 

Geeridii aabihii Garaad faarax iyo Habkii wiilwaal loogu caana shubay garaadnimada. 

WIIWAAL, Maalin maalmaha kamid ah isagoo  ciidankii soo jeedayaasha ahaa cirifka magaalada deggan  ayaa ku dhambbaal baas wada uu u yimid garaadka, isbariidin kadib ninkii baa wuxuu yiri "wiiwaalow, garaad faarax allaha unaxriisto,annaga iyo adigana samir allaha naga sooyo" waa geerdii aabihii waxa loo sheegay garaadka, aad ayuu u naxay, wuu murugooday oo wuu walwalay, waxaase uu aad ugu sii naxay markii loo sheegay in aabihii bas udhimane uu bir udhintay, madaxa ayuu foorariyay cabbaar kadibana waxa uu ninkii weydiyay cidda garaadka dishay iyo sidii ay wax udhaceen. 

 

Nin la oran jiray kheyre shirwac, ayaa garaad faarax eedo badan ka taban jiray , taas oo la xiriirtay in garaadka uu cadaalad darro kula kaco kolka tolku wax qeybsanayaan, kheyre shirwac ayaa go,aansaday in gabi-ahaanba dilo garaadka, garaadnimadana uu kadhaxlo, ayadoo la jooga meel la yiraahdo Hoosaale geed hoostiisna shir loo fadhiyo, garaad faarxana uu fadhiyo, ayaa kheyre soo muuqady isaga oo warankiisii weynaa garabka kusita, isaga oo aan oran kheyr ma sheegteen iyo maxaa la iskugu warramay, ayuu shirkii gabay dheer ku billaabay, waxaa laga qabtay isagoo leh . 

 

Qadaar malab ah oo meel qotoma, oo raggu wada quuto,

Kheyroow adiga uun ka maqnoow, qaadan kari maayo. 

 

Isaga oo aan erey kale ku darin ayuu warankii uu gacanta ku heystay garaad faarax wadanaha kaga xanbaaray, isla markiiba waxaa isgana waran halgaad ah, saabka kala helay, nin geedka fadhiyay, oo garaadku qaraaba dhaw ahaayen, 

 

Kheyre shirwac kolkii ay naftu ka baxeysay Halkii uu ka towxiidsan lahaa, waxuu ku alalay, " qalay oo ka qaday" oo uu ula jeeday, boqornimadii aan garaad faarax ka dilay ee aan is lahaa adigu qaado, rag kale ayeey ugacan gashay, Anna waanka qaday, laba qabri oo aan kala fogeyn ayaa galabnimadii kheyre iyo garaadki lagu aasay. 

Dhambaal sidihi ayaa garaadka waxa uu intaas usii raaciyay, farriin kale oo odayaashii deegaanku usoo dhiibeen, taas oo aheyd  In garaad wiiwaal uu si deg deg ah u yimaado si loogu caana shubo, garaadnimadii uu aabihii ka geeriyooday, garaad wiiwaal oo maalamahaas kujiray dhaq dhaqaaq dagaal, ayaa War sidihii ugu War celiyay, arrin ugub aheyd oo hadal heyn badan dhalisay, garaadka ayaa ninkii  u dhiibay go’isii, waxa uuna kuyiri, hoo go,eyga qaad isagana halagu caana shubo, War sidihii ayaa sidaas sameeyay go,ii ayaana lagu caana shubay, sidaas ayuu wiiwaalna ku dhaxlay garaadnimadii aabihii. 

Qaar kamid ah gabaydii wiiwaal. 

Garaadku wuxuu ahaa nin xukun adag oo xikmadi gundhig u tahay lagu bartay.  Mar isagoo sifaynaya sida dhulka Soomaalida cadowgu ula wareegi lahaa haddii aanu isagu gaashaan u ahayn ayuu wuxuu mariyey geeraarkan hoose.  Wuxuu yidhi:  

War yaroo igu saabsan 

Haddaan weedh ka caddeeyo 

Waa inaad wadartiinba 

Idinkoon i wagliilin 

Waa runtaa i dhahdaan 

Waagaan wiil yar ahaa 

Rag anoon wax la qaybsan 

Wacdi sheekh iyo waano 

Waalidiinta gabowday baan 

Waddada diinta wanaagsan 

Wacdigay hadlayeenbaan 

Ku weeleeyey dhagtayda 

Anoo waansamayoo 

Wadaad fiicanna show ah 

Waysadiyo kitaabkiyo 

Masale aad u wanaagsaniyo 

Weelka daacadda qaataybaad 

Wiilwaal ii bixiseene 

Weerarkaad ku jirteenbaa 

Walbahaar ficilooyin 

Wadnahayga ku beermay 

Haddaanan wayrax jaraysan 

Warmihii cadcadaa iyo 

Gaashaan wiyileed 

Anigoo wajilaayoo 

War kacaay idinle oo 

Kolkuu waagu iftiimay 

Intaan weerar ku qaado 

Gurey waaxyaha goynin 

Cadowbaa wadankeena 

 La wareegi lahaa. 

Mar kale isagoo raggiisii dhiirigelinaya, kuna adkaynaya in wadaad iyo warenleyba ay dagaal u qaashaartaan, walaaloobaan, wacadkii ay wada galeenna la dhawro si ay dhulka Soomaaliyeed cadowga u dhaafiyaan ayuu mariyey gabay aanu ka helnay halhayskan yar ee hoose.  Wuxuu yidhi:


Wadaad iyo ninkii waran lahow, dirir u weelqaada 

 Wiil iyo walaal wada socdoo, waano qaba yeesha 

 Wacadkaad isugu dhaarateen, waafi ha ahaado 

 Wadankeenu waa fiicanyee, cadowga weydaarsha 

Walbahaarka dhiga geesibaan, waabasho aqoone. 

 

 

Wabillaahi Towfiiq.

Post a Comment

Previous Post Next Post